Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay wax-ka-bedelka sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyay wax-ka-bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, sharcigaasi oo Golaha la hor keennay bilo ka hor.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka, waxaa wax ka bedelka sharciga u codeysay 145-Xildhibaan oo ah tirada guud ee xildhibaannada kulanka joogay.

Xoghayaha Guddiga Maaliyadda, miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed, ayaa Golaha ka hor akhriyay muhiimadda uu dalka u leeyahay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, waxaana uu sheegay in dib-u-dhiska uu kaalin ka qaadan doonno.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira