Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo muddo-kordhin u sameeyay Guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Mogadishu, ayaa muddo kordhin u sameeyay Guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka, ayaa soo jeediyay in afar sano oo dheeraad ah loogu daro, mudo-xileedka guddiga madaxabanaan ee xuduudaha iyo Federaalka.

145-Xildhibaan oo aheyd tirada guud ee Xildhibaannadii kulanka joogay ayaa u codeeyay in muddo afar sannadood ah loogu darro guddiga, sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira