Baarlamaanka 

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo kulamo kula yeelanaya magaalada Lusaka xildhibaannada dalka Zambia

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo ku sugan magaalada Lusaka, ayaa maanta uu u furmay kulamo ay la leeyihiin xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi. Wafdiga Puntland ka socda ayaa ka kooban guddiga dhaqaallaha iyo xisaabaadka Golaha Wakiillada, hanti-dhawrka guud, khabiiro dhinaca qaanuunka iyo xisaabaadka, la-taliyayaal sar-sare, madax ka socta Barnaamijka maareynta xisaabaadka ee loo yaqaan ( Public financial management – PFM ). Shirkaas oo ka furmay Xarunta Baarlamaanka dalka Zambia, ayaa socon doonaa muddo 4 berri ah. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia 

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Xildhibaanno is-hortaag ku sameeyay kulanka Baarlamaanka Puntland oo lagula xisaabtami lahaa Xukuumadda

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku-xigeenka 1-aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa shir-guddoominyay kulankii 19-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka, kaas oo maanta u baaqday buuq iyo is-hortaag. Fadhiga ayaa ajandihiisa waxaa uu ahaa la-xisaabtanka Golaha Xukumadda, waxaana joogay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Mudane, Cabdiqafaar Cilmi Xaange.  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hakiyey fadhiga, kaddib markii kulanka ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Mudane habsami u socodkii Shaqada…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Jeesow “Xildhibaannada ma ahan arday meel ugu xareysan Guddoomiyaha Baarlamaanka”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo hadal ka jeedinayay kulankii Golaha Shacabka ee bishan November ay ku-meel-mariyeen Guddiga Golaha Adeega Garsoorka, ayaa Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal, ku dhaliilay in uu kala xigsanayo xildhibaannada, marka ay jiraan doodaha. Xildhibaanka oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in nasiib-darro ay tahay kala xigsashada, waliba iyadoo Baarlamaanka uu ka doodayo arrimo ku saabsan cadaalada dalka. “Waxaan ku leeyahay Baarlamaanka Guddoomiyihiisa maadaama aad tahay, in aad u cadaalad fashid Baarlamaanka marka uu doodaayo. Arday meel kuugu xareysan ma nihin, waxaan nahay xildhibaanno…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo hadal ka jeediyay aqoon is-weydaarsi ku saabsanaa dar-dar-galinta howlaha Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal iyo ku-xigeenadiisa, ayaa shalay ka qeyb-galay tababar aqoon is-weydaarsi ah oo ku saabsanaa dar-dar-galinta howlaha Baarlamaanka, kaas oo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Mogadishu uga socday Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay aqoon is-weydaarsiga, isagoona u mahceliyay Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug kuwaas oo waqtigooda galiyay hormarinta Baarlamaanka Galmudug. Tababarkaan ku saabsan dar-dar-galinta howlaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa fududeysay Hay’ada UNDP, gaar ahaan qeybteeda arrimaha Baarlamaanada.  

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweye Saciid Deni oo ka hadlay shirkii maanta uu la qaatay wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo  Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la wadaagay wafdigan aragtida Puntland ee ku aadan in dalku ka gudbo marxaladda uu hadda marayo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay. “Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Dowladda Puntland waxay la wadaagtay…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku qaabilay wafdi ka socda Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garowe ku qaabilay wafdi ka socda Wakiilada Beesha Caalamka, waxaa wafdigan hoggaaminayay kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. kulankan ayaa looga hadlayay xaalada cakiran ee ka jirta doorashooyinka iyo sidii doorasho wadar ogol ah oo jawi nabdoon ah dalka uga dhici laheyd. Jubbaland ayaa lagu wadaa in wafdiga ay tagaan, maadaama labada maamul ay diidanyihiin hanaanka doorasho ee dowladda Federalka ay waddo. Halkan kala soco wixii kasoo baxa kulanka…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug oo maanta uu tababar uga furmay Mogadishu

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa maanta magaalada Mogadishu uga furmay Tababar ku saabsan dar-dargelinta howlaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug. Gudoomiye ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad, oo ka hadlay munaasabada furitaanka tababarka ayaa sheegay in Guddoonka Baarlamaanka iyo hay’adda UNDP ay soo qaban-qaabiyeen aqoon is-weydaarsiga. Ujeedka tababarka ayaa ah kor u qaadida howlaha Baarlamaanka, sidoo kale tababarka waxaa qeyb ka ah howl-wadeenada Baarlamaanka Dowlad Galmudug. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Akhriso: Sababta Baarlamaanka Puntland maanta aysan uga doodin heshiiska Puntland iyo DP-World?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhigii 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, isla markaana loo daayo Golaha Xukumadda, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Golaha Wasiirrada Somaliland oo la horkeennay miisaaniyad sannadeedka 2021

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhigii 67aad ee golaha wasiirrada ay ku yeeshay habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference). Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha horkeentay Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, waxana golaha sharaxaad ka siiyay wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta maaliyadda isagoo dul istaagay qaybaha miisaaniyaddu ka kooban tahay iyo meelaha ay diiradda saarayso. Wasiirka xusay inay dalka soo food-saareen xaalado dhaqaale oo ay sababeen covid 19, Ayaxii dalka ku habsaday iyo hakintii arrimaha xajka kuwaasoo saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalihii dalka, waxaanu tilmaamay in ganacsatada iyo cashuur…

Akhriso Faahfaahinta