Baarlamaanka 

Akhriso: Madaxwayne Qoor-Qoor oo saxiixay shuruuc Baarlamaanka Galmudug uu meel-mariyay

Madaxweynaha Galmudug mudane Maxamed Cabdi Kaariye, ayaa shalay saxiixay shuruuc uu soo ansixiyay Baarlamaanka Galmudug, kuwaasi oo kala ah shariga maaraynta deegaanka, sharciga hay’addaha, sharciga dhismaha Booliiska iyo sharciga dowalaha Hoose.

Wasaarradaha deegaanka, qorsheynta, qmniga iyo wasaarrada arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose, ayaa soo diyaariyay shuruucdii Baarlamaanka uu ansixiyay.

Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay shuruucda, waxaa kasoo qeyb-galay Madaxwayne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, Garsoorka, la- taliyayaal iyo hawlwadeenno ka tirsan madadaxtooyada Galmudug.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira