Baarlamaanka 

Golaha Shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise-sharciyeedka dhismaha hay’adda dhiira-gelinta maalgashiga

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay Mogadishu, ayaa akhrinta koowaad marsiiyay hindise-sharciyeedka dhismaha hay’adda dhiira-gelinta maalgashiga.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Xildhibaannada ka hor akhriyay akhrinta koowaad, waxaana markii uu dhammeeyay akhrinta uu ka jawaabay, dhowr su’aalo oo xildhibaannada ay ka weydiiyeen hindise-sharciyeedka.

Mudane Jamaal, ayaa sheegay in sharcigan uu dalka usoo jiidayo maal-gashi muhiim u ah dib-u-dhiska dalka iyo kaabayaasha dhaqaallaha. Wasiirka ayaa intaasi sii raaciyay in sharciga uu sara u qaadayo muuqaalka Soomaaliya ee gudaha iyo dibada.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira