Baarlamaanka 

Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka dhismaha hay’adda diiwan-gelinta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo ku-xigeennadiisa ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Xildhibaannada ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka dhismaha hay’adda diiwan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaliyeed.

Hindise-sharciyeedka, waxaa oggolaatay 143 Mudane, ma jirin Mudane ka aamusay ama diiday, sida uu ku dhowaaqay Guddoomiye Mursal.

Sharcigan ayaa waxaa uu soo maray habraacyada Golaha ee akhrinta. 

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira