Baarlamaanka 

Muddo-xileedkiisa markii uu dhammaaday miyuu is casilay Madaxweyne Waare?

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waraare, oo xalay soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in uu iska casilay xilka Madaxweyne.

“Si waafaqsan Qododka 52-aad ee Dastuurka Ku meel gaarka ee Dowladda HirShabelle, waxaan iska casilay xilkii Madaxweynaha Dowladda HirShabelle oo Xubin ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya. Waxaan Shacabka HirShabelle iyo kan Soomaaliya u rajeeynayaa Guul iyo barwaaqo” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabdi Waare.

Duubabka dhaqanka Hir-Shabeelle ayuu ku tilmaamay in nasiib darro ay ku qanceen habka loo maray soo xulista Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle, waxaana halkaas uu ka muujiyay in uu ka waayay Odoyaasha garab istaag.

Dad badan ayaa aaminsan in muddo-xileedka Waare uu dhamaaday 17-kii Oktoobar 2020, isla markaanna uu ka hor yimid howsha xulista Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle.

Xildhibaannadii dhowaan lasoo magacaabay ayaa todobaadkii lasoo dhaafay la dhaariyay, waxaana shaqada ugu horreysay ay u noqon doontaa doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira