Baarlamaanka 

Musharrixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta khudbadahooda jeedinaya

Musharrixiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle iyo ku-xigeennadiisa, ayaa maanta jeedinaya khubadahooda musharraxnimada.

Laba musharrax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, ayaa u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle.

Sidoo kale laba musharrax oo kala ah Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame, ayaa u tartamaya xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Halka Marwo Canab Axmed Ciise, oo horay u ahayd Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, ay xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad kula tartameyso Mahad Xasan Cusmaan.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa ay dhicin doontaa berri.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira