Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo maanta la doortay

Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed, u doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed, ayaa helay 77 Cod, halka musharax la tartamayay ee Maxamed Maxamuud Goodir, uu helay 21 cod, waxaa xumaaday hal Cod.

Dhinaca kale, Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle, kaddib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay xildhibaan Saadaq Salaad Warsame.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira