Baarlamaanka 

Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta dooranaya Guddoomiye iyo ku-xigeennadiisa

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa goor dhow bilaaban doonta, iyadoo maanta la wada dooranayo Guddoomiyaha, ku-xigeenka 1aad iyo k-uxigeenka labaad. 

Laba musharrax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, ayaa u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle.

Sidoo kale laba musharrax oo kala ah Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame, ayaa u tartamaya xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Halka Marwo Canab Axmed Ciise, oo horay u ahayd Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, ay xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad kula tartameyso Mahad Xasan Cusmaan.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira