Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha shacabka oo maanta dhagaysanaya warbixin ku saabsan saameynta cudurka COVID-19

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku leh magaalada Mogadishu, ayaa ka hadli doona arrimaha saameynta COVID-ka.

Ajendaha kulanka ayaa ah dhagaysiga warbixin ku saabsan saameynta uu cudurka Covid-19 ku yeeshay xaaladaha cunto soo saarka iyo nafaqada dalka, iyo sidoo kale dhagaysiga warbixin ku saaabsan saameynta Covid 19 uu ku yeeshay ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale akhrinta 2-aad marsiinaya hindise-sharciyeedka socdaalka Soomaaliya.

 

 

Warar kale oo la xiriira