Baarlamaanka 

Madasha xisbiyada Qaran oo ka soo hor-jeesatay Guddiyada Doorashada, baaqna kasoo saartay Xildhibaannada Somaliland

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay isla markaasna cambaareyneyso in Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Heer Federaal, ay kasoo mid noqdeen xubno ka tirsan Hay’ada Nabadsugid Qaranka iyo shaqalaha rayidka ah, taas oo baalmarsan ayey yiraahdeen shuruucda dalka u yaala, heshiiskii doorashada iyo xeerkii Baaarlamaanka, taas oo dhaawaceysa kalsoonida lagu qabi karo hanaan doorasho xor iyo xalaal in ay dalka ka dhacdo.

Madasha waxaa ay ku baaqday in si lamid ah hannaankii doorashada 2016 lagu maareeyo kuraasta iyo magacaabista xubnaha guddiyada doorashada ee kuraasta Somaliland.

Halkan ka akhriso

Warar kale oo la xiriira