Warar 

Senator Prof. Dufle oo ka hadlay Qarax xalay lagu weeraray

Labo kamid ah ilaalada Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhaawacmay, kaddib markii xalay Qarax lala eegtay gaari uu watay.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Dabka.

“Alle mahadiisa waa ka badbaaday waa bad qabaa, balse nasiib darro waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ahaa ciidankii ila socday oo lagu daweynayo Isbitaalka Erdogan, waxaa alle uga baryeynaa inuu caafimaad degdeg siiyo”ayuu yiri Prof. Dufle.

 

Warar kale oo la xiriira