Baarlamaanka 

Wasaaradda Arrimaha dastuurka iyo Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka oo la tashi la yeeshay bulshada rayidka

Wasaaradda Arrimaha dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah kula yeeshay magaalada Baydhabo bulshada rayidka.

Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in mar walba ay lagama maarmaan tahay in bulshada ay door ku yeeshaan qodobada dib u eegista dastuurka,  maadaama dastuurku yahay mid bulsho.

Qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ayaa soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo wax looga bedeli karo qodobada dastuurka ee weli ku socota dib u eegista.

Warar kale oo la xiriira