Baarlamaanka 

Maxamuud Abshir oo guursaday gabar 14-jir ah, ma ahan xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland

Markii todobaadkan baraha bulshada, lasoo geliyay masawirrada Maxamuud Abshir, oo guursaday gabar da’deeda lagu qiyaasay 14-jir, dad badan ayaa ka fal-celiyay.

Warbaahinta qaar iyo koontooyin baraha bulshada ah, ayaa lagu daabacay in caruuska Maxamuud Abshir, uu yahay xubin ka tirsan Baarlamaanka Puntland, taasina waxaa ay keenay in dad badan oo aan wax hubsan dhaliilo xooggan ay u jeediyaan Baarlamaanka dowlad-gobolleedka Puntland.

Baarlamaaka Puntland iyo agaasimaha warfaafinta ee Baarlamaanka, ayaa caddeeyay in Maxamuud uusan kamid aheyn Baarlamaanka Puntland, isla markaana ku tilmaamay warar been-abuur iyo dacaayado.

Cabdiwali Gooni, agaasimaha warfaafinta ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in wararka been-abuurka ah aysan aheyn saxaafad, isla markaana warbaahinta looga baahanyahay in wararka ay tebinayaan ay iska saxaan.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira