Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise-sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJF Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdurrahman,  Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee Cabduweli Shekh Ibrahim Muudey iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad Mahad Cabdalla Cawad, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka Xildhibaannada. 

Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta meel-mariyay hindise-sharciyeedka adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaliyeed.

139 xildhibaan ayaa sharciga u codeysay, laba Mudane ayaa diiday halka hal xildhibaana uu ka aamusay. 

Qodobka dooda dhaliyay ee ku jiray sharciga ayaa ahaa kiimikooyinka beeraha ee dalka la keenno, taas oo xildhibaannada qaar ay sheegeen in loo adeegsan karo Qaraxyada.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Saciid Xuseen Ciid, ayaa ansixinta kaddib sheegay in ay qaadanayaa dhammaan talooyinkii xildhibaannada ay soo jeediyeen intii ay dooda socotay, waxaana sharciga uu ku tilmaamay mid wax badan ka bedelaya tayada wax-soo-saarka beeraha.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira