Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay xeerka isgaarsiinta iyo lifaaqa khidmadaha xeerka isgaarsiinta

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril, oo ay wehliyaan, ku-xigeenka 1-aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa shalay shir-guddoominayay fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Puntland.

Maalintii 3-aad ayay Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen xeerka isgaarsiinta Puntland iyo lifaaqa khidmadaha xeerka isgaarsiinta. 

36 mudane ayaa oggolaatay xeerka, 1 mudane ayaa diiday halka 1 mudanana ka aamusay.

Lifaaqa xeerka isgaarsiinta ayaa si faah-faahsan uga hadlay khidmadaha ay bixinayaan isgaarsiinta, Boostada, Madbacadaha, Wargeysyada, Warbaahinta madax-banaan, Telefishinada iyo adeegyadda xiriirka ee ka hawl-gala Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo ka koobnaa 38 Qodob ayaa lagu kordhiyey Qodobo muhiim ah oo ka hadlaya iska hor-imaadka danaha isdiidan, shuruucda codsiga Ruqsada, Ganaax iyo Dhaqan-gal waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira