Baarlamaanka 

Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Amb Max’med Mursal, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 6-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajandayaasha kulanka ayaa kala ahaa u codeynta xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, u codeynta xubnaha Guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo akhrinta 3-aad ee hindise-sharciyeedka nootaayooyinka Soomaalia.

Xildhibaannada ayaa dood kaddib, ansixiyay xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, waxaana u codeysay 145 xildhibaan, ma jirin mudanayaal diiday ama ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa Golaha Shacabka usoo gudbiyay xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiirka cusub ee Cadaalada, oo kulan ka hadlay ayaa sheegay in guddigan ay muhiim u yihiin garsoorka dalka, waxaana uu u mahadceliyay wasiirkii ka horreeyay iyo xildhibaannada oo iyagana ansixiyay.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira