Baarlamaanka 

Guddiyada dhammeystirka Dastuurka oo maanta Jowhar kula kulmay xildhibaannada cusub ee Hirshabelle

Hay’addaha u xil saaran dib-u-eegista iyo qabyo-tirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar kula kulmay xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Guddiyadan ayaa kala ahaa Guddiga la-socodka Dastuurka BFS, Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Hay’adahan Dastuurka ayaa sidoo kale maanta la kulmi doona Ururada Bulshada Rayidka, waxaana ay ka wadda-hadi doonaan sidii aragtiyada reer Hirshabelle ee ku aadan qabyo qoraalkii labaad ee Dastuurka looga heli lahaa.

Warar kale oo la xiriira