Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay xubnaha guddiyada la-dagaallanka musuq-maasuqa

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha Guddiyada la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Max’med Mursal oo kulanka shir-guddoominayay ayaa sheegay in 146 xildhibaan ay oggolaatay xubnaha guddiga, mana jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Fadhigii maanta oo ahaa kulankii 6-aad ee Kalfadhiga 8-aad, ayaa ajandayaashiisu waxaa ay kala ahaayeen, u codeynta xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, u codeynta xubnaha Guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo akhrinta 3-aad ee hindise-sharciyeedka nootaayooyinka Soomaalia.

Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa maanta ansixiyay xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, waxaana u codeysay 145 xildhibaan, ma jirin mudanayaal diiday ama ka aamusay.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira