Baarlamaanka 

Waa maxay shaqada Golaha Adeegga Garsoorka ee uu ansixiyay Baarlamaanka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa shalay ansixiyay xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, waxaana u codeysay 145 xildhibaan, ma jirin mudanayaal diiday ama ka aamusay.

Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu u xilsaaran-yahay soo jeedinta, magacaabidda, anshax-marinta iyo bedelaadda xubnaha garsoorka dalka, si loo xaqiijiyo dalku in uu yeesho garsoor wax ku ool ah, daah-furan oo loo siman yahay. 

Golahu wuxuu kale oo uu u xilsaaran-yahay, maamulidda howlaha Garsoorka iyo damaanad qaadidda madax-bannaanida Garsoorka Dalka. 

Madaxda Garsoorka Dalka gaar ahaan xeer- ilaaliyaha Guud ee Qaranka, oo sheegay in Guddiga uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka, ayaa Wasiirka Wasaaradda Caddaalada ugu mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyey horgaynta Golaha Adeegga Golaha shacabka si loo ansixiyo. 

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira