Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 3-aad marsiiyay hindise sharciyeedka Nootaayooyinka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo shalay yeeshay kulankii 6-aad ee Kalfadhiga 8-aad, ayaa akhrinta 3-aad marsiiyay hindise sharciyeedka Nootaayooyinka.

Golaha ayaa horay akhrinada 1-aad iyo 2-aad usoo mariyay hindise-sharciyeedka, waxaana la filayaa in dhowaad Golaha uu ansixiyo.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay xubnaha Guddiyada la-dagaalanka musuq-maasuqa, 146 xildhibaan ay oggolaatay xubnaha guddiga, mana jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Warar kale oo la xiriira