Baarlamaanka 

Guddiga KMG-ka ee Baarlamaanka ee soo diyaarinta saameynta COVID-19 oo kulan la yeeshay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka

Guddiga KMG-ka ee Baarlamaanka ee soo diyaarinta saameynta uu Covid-19 ku yeeshay dalka, ayaa maanta Ra’iisal wasaare ku-xigeeenka dalka Mudane Mahdi Mohamed Gulleed, kulan kula yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Xildhibaan Farxiyo Muumin Cali, oo ah guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta saameynta Covid 19, ayaa shir-guddoomineysay kulanka, waxaana su’aallo ay weydiiyeen Mudane Mahdi.

Kulankan ayaa ajandihiisa waxaa uu ahaa, saameynta uu Covid-19 ku reebay dalka iyo xumuumadda qaabkii ay u maamushay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeeenka dalka Mudane Mahdi  Gulleed oo xubnaha guddiga uga jawaaabay su’aallah, ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadda ay COVID-19 u maamushay intii karaankeeda ah isla markaanna wali ay socdaan dedaalada wax ku oolka ah ee ka dhan ah xanuunka.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira