Warar 

12 musharrax oo mucaarad ah oo maanta shir saddex maalmood ah ugu furmay Mogadishu

Magaalada Mogadishu maanta waxaa ka furmay saddex maalmood oo shir wadda-tashi ah oo ay ka qeyb-galayaan 12 musharrax oo u taagan doorashada sannadka 2020/21.

Shirka waxaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan guddiyada la magacaabay oo musharraxiinta ay aaminsanyihiin in hal dhinac ay yihiin.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in musharraxiinta ay dhaxdooda is cafiyeen, isla markaana ay meel ugu soo wada jeesteen, sidii marxalada haatan uu dalka ku jirto looga gudbin lahaa.

Musharraxiinta ayaa dhinaca kale sheegay in ay doonayaan doorasho xor ah oo xalaal ah, waxaana sida loo heli karo ay ku sheegeen in ay tahay in lagu heshiiyo guddiyada iyo nidaamka doorashada.

Daahir Geelle ayaa sheegay in aanan mar dambe la aqbali doonin Guddi ay ku jiraan Nabadsugida.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira