Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Shariif Xasan oo ka wadda-hadlay arrimaha doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Amb Mohamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa hoygiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed, sidoo kalena ah Guddoomiyaha xisbiga hor-u-socod Qaran Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Labada mudane ayaa intii uu socday kulanka waxaa ay ka wadda-hadleen arrimaha doorashooyinka ee fooda kusoo haya dalka Soomaaliya, iyo sidii doorashada ay ugu dhici laheyd si nabad ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa intii uu socday kulanka la wadaagay mudane Shariif, in Baarlamaanka iyo madaxtooyada ay ka go’antahay in doorashada ay ku dhacdo xiligeeda waliba cabsi la’aan.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira