Warar 

Xasan Cali Kheyre oo laga aqbalay raalli-gelin uu ka bixiyay dhibkii ka dhacay guriga C/raxmaan C/shakuur

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre, oo ay wehliyaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Senator Dhagdheer, ayaa xalay hoyasho ugu tagay hoyga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, si uu raali-gelin iyo cudur-daar uga bixiyo weerarkii ciidanka dowladda ay ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur sannadkii 2017-ka.

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal bartiisa Facebook uu soo geliyay waxaa uu ku sheegay sidan “Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay.

Waxaanan ka raalli-galiyay dhibkii 17 kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa”

C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee ku lug lahaa weerarkaas inay ka faa’ideystaan fursadan oo ay weli u furan tahay.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira