Warar 

Guddiyada Doorashooyinka oo maanta tababar ugu furmay Mogadishu

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo maanta tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dar-daarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Guddiyadan oo ay soo magacaabeen dowladda dhexe iyo Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo Hirshabelle, ayaa maamihii lasoo dhaafay ku sugnaa Mogadishu, waxaana tababarkooda uu socon doonaa ilaa inta laga gaarayo dhammaadka bisha dambe.

Musharraxiinta mucaaradka iyo maamul gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland, ayaa aad uga soo horjeeda guddiyada, waxaana musharraxiinta ay aaminsanyihiin in guddiyada ilaa iyo hadda lasoo magacaabay in ay yihiin kuwo hal dhinac ah. 

Warar kale oo la xiriira