Baarlamaanka 

Guddoomiyah Baarlamaanka Puntland iyo xildhibaanno ka qayb galay aas Qaran oo loo sameeyey Afhayeenkii isimada Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo, Gudoomiye ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan DFS iyo Dawladda Puntland, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Badhan kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey Afhayeenkii isimada Puntland, Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Gudoomiyaha ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ahaa hormuudka Golaha  dhaqanka Puntland, kana shaqeyn jiray nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshooyinka.

“Waxaan maanta halkan ku aasnay marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo kamid ahaa tiirarka Dowladnimada Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa Golaha dhaqanka, eheladiisa iyo guud ahaan bulshada Puntand ” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland.

Warar kale oo la xiriira