Baarlamaanka 

Musharrax Madaxweyne C/kariin Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka oo ka wadda-hadlay xaaladda doorasooyinka

Musharax Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Cabdi Xaashi, oo xalay kulan yeeshay ayaa ka wadda-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka oo xilligan muran weyn uu ka taagan yahay Guddiyadii doorashada ee la dhisay.

Mudane C/kariin Guuleed oo habeen ka hor la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii walaaca jira looga gudbi lahaa.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay talo, wada hadal iyo isu tanaasul, iyo heshiis loo dhan yahay, si loo helo xasillooni siyaasadeed.

Warar kale oo la xiriira