Baarlamaanka 

Odayaasha dhaqanka oo ku biiray shirka wadatashiga midowga musharraxiinta iyo maamul-gobolleedyada oo baaq loo diray

Odayaasha dhaqanka ayaa caawa ku biiray shirka wadatashiga midowga musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2020 – 2021 oo maalintii labaad ka socoda Muqdisho.

Midowga musharraxiinta ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed in guddiyadii ay soo magacaabeen ka saaraan xubnaha shaqaallaha rayidka ah iyo kuwa nabad sugida ee guddiga ku jira.

War-saxaafadeed laga soo saaray ayaa sidoo kale loogu baaqay maamulada Puntland iyo Jubbaland in ay dhankooda guddiga ka saaraan xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka ah.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira