Baarlamaanka 

Dhallinyaro maanta ku biirtay shirka Wadatashiga Midowga Musharixiinta Madaxweynaha

Qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta ku biirtay shirka Wadatashiga Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2020 – 2021 oo weli ka socda Muqdisho.

Musharraxiinta ayaa aaminsan in dhallinyarada ay ku biirin karaan tallooyin muhiim, waxaana dhallinyada ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in talada Madasha Musharixiinta lagu soo biiriyo doorka dhallinyarada.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo la hadlay dhallinyada ayaa sheegay in dhallinta Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin talada dalka, isagoo tilmaamay in xiligan kala guurka ah aan dhallinyarada looga maarmin talooyinka wax lagu sixi karo.

Shirka ayaa lagu wadaa in berri lasoo gunaanudo.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira