Baarlamaanka 

Guddiga Golaha Shacabka ee xaqiiqa raadinta natiijadda imtixaanka oo warbixin ka dhageystay Wasiiru Dowlaha waxbarashada

Guddiga Golaha Shacabka ee xaqiiqa raadinta natiijadda imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020 ayaa shalay la kulmay xubno ka socda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Kulanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada looga dhageystay warbixin kooban oo ku saaban Imtixaanka Shahaadiga Sare ee sannad Dugsiyeedka 2019-2020.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Shariif Maxamed Cabdalla, ayaa sidoo kale wasiirka lagu weydiiyay su’aalo.

Guddiga ayaa lagu waddaa in Baarlamaanka ay ku celiyaan warbixin ku aadan imtixaanka oo natiijadii sannadkan ay dhalisay dood xooggan kaddib markii arday badan ay dhaceen. 

Warar kale oo la xiriira