Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xildhibaanno maanta ku biiray shirka Wadatashiga Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Sen. Abdi Hashi Abdullahi, ayaa maanta ku biiray shirka Wadatashiga Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2020 – 2021 oo maalintii saddexaad.

Qaar ka mid ah xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada waqooyi, ayaa sidoo kale maanta ku biiray shirka.

Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020 – 2021 ee shirkan u socda ayaa gaaraya ilaa 12 musharax oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore. 

Shirkan oo Sabtidii ka furmay Muqdisho ayaa la filayay in maanta oo Isniin ah lasoo gaba-gabeeyo,  balse musharraxiinta ayaa sheegay in shirka lasoo xiri doonno berri, maadaama la balaariyay ka qeyb galayaasha shirka, lagana soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin musharrixiintan oo ku aadan doorashada 2020 – 2021 ee Soomaaliya.

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira