Warar 

Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku biirtay shirka Wadatashiga, ganacsatada iyo Beesha Caalamka oo sidoo kale maanta ku biiraya

Shirka Wadatashiga Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee sannadka 2020 – 2021 oo maalintii afaraad galay ayaa saakay waxaa kusoo biiray Culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Waxaa la filayaa in maanta ay sidoo kale shirka kusoo biiraan ganacsatada iyo wakiilada beesha caalamka oo aalada Zoomka kaga qeyb galaya.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la rajeynayo in lasoo gaba-gabeeyo shirka, lagana soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin musharixiintan oo ku aadan doorashada 2020 – 2021 ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa uu u muuqdaa mid culeys xooggan lagu saarayo dowlada, taas oo dhaliilo xooggan loo jeedinayo. 

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira