Baarlamaanka 

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulan la yeeshay xildhibaannada Koonfur-Galbeed

Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Amb. Dr.Ali Said Faqi, ayaa shalay kulan ujeedkiisa uu ahaa dardaaran la qaatay Xildhibaannada Barlamanka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa sido kale waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dardaaranka qeyb ka ahaa.

Mudane Roble, oo shalay gaaray Baydhabo ayaa kulamo gaar ah la qaadanayay madaxda maamulka gaar ahaa Guddoonka Baarlamaanka.

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira