Baarlamaanka 

Guddoonka Baarlamaanka oo maanta goobjoog ka ahaa munaasabada dhaarinta wasiirka cusub ee arrimaha dibeda

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo ku xigeenkiisa 1aad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday, ayaa maanta goobjoog ka ahaa munaasabad gaaban oo lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee JFS Mudane Maxamed Cabdirizak Maxamud Abukar.

Mudane Mursal ayaa kula dardaarmay wasiirka cusub in mudda gaaban ee muddo xileedka xukuumadda awgeed in wasiirka uu xoogga saaro dhammeystirka shaqooyinkii socday.

Mudane Max’med Cabdirizak, ayaa xubnihii joogay munaasabada la wadaagay in shaqada uu halkeeda kasii wadi doono, isaga oo kaashanaya shaqallaha wasaarrada.

Warar kale oo la xiriira