Baarlamaanka 

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo maanta ansixiyay Miisaaniyadda sannadka 2021

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 54 Mudane, ayaa ay xildhibaannada dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda Puntland, kaddib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo 135-aad ee Dastuurka DPL, iyo qodobka 58-aad, 62.6-aad iyo 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.

Dooda odoroska Miisaaniyadda sannadka 2021 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Dood kaddib, Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2021.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira