Warar 

Golaha Wasiirrada Somaliland oo la horkeennay miisaaniyad sannadeedka 2021

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhigii 67aad ee golaha wasiirrada ay ku yeeshay habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference).

Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha horkeentay Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, waxana golaha sharaxaad ka siiyay wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta maaliyadda isagoo dul istaagay qaybaha miisaaniyaddu ka kooban tahay iyo meelaha ay diiradda saarayso.

Wasiirka xusay inay dalka soo food-saareen xaalado dhaqaale oo ay sababeen covid 19, Ayaxii dalka ku habsaday iyo hakintii arrimaha xajka kuwaasoo saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalihii dalka, waxaanu tilmaamay in ganacsatada iyo cashuur bixiyeyaasha dalku ay door muuqda ka qaateen bixinta cashuuraha ku waajibay si ay u daboolanto miisaaniyaddii hore ee ay caqabaduhu soo wajaheen.

Ugu danbayn miisaaniyadan 2021 waxay miisaaniyad sannadeedkii hore ka badnaan doontaa 2.7%, waxana goluhu gudo galay doodda iyo falanqaynta miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, iyadoo goluhu ku ansixin doono fadhiyada dambe.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira