Warar 

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta oo maanta ku wajahan magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo.

Dadweynaha magaalada, xildhibaanno heer deegaan, heer Federal iyo masuuliyiinta Koonfur Galbeed, ayaa lagu wadaa in maanta ay soo dhoweyaan Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif iyo wafdigiisa.

Waa safarkii labaad ee muddo bil gudaheed ah uu ku tago Gobollada dalka, xili doorashada ay fooda nagu soo heyso. 

Warar kale oo la xiriira