Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo hadal ka jeediyay aqoon is-weydaarsi ku saabsanaa dar-dar-galinta howlaha Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal iyo ku-xigeenadiisa, ayaa shalay ka qeyb-galay tababar aqoon is-weydaarsi ah oo ku saabsanaa dar-dar-galinta howlaha Baarlamaanka, kaas oo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Mogadishu uga socday Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay aqoon is-weydaarsiga, isagoona u mahceliyay Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug kuwaas oo waqtigooda galiyay hormarinta Baarlamaanka Galmudug.

Tababarkaan ku saabsan dar-dar-galinta howlaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa fududeysay Hay’ada UNDP, gaar ahaan qeybteeda arrimaha Baarlamaanada.

 

Warar kale oo la xiriira