Baarlamaanka 

Jeesow “Xildhibaannada ma ahan arday meel ugu xareysan Guddoomiyaha Baarlamaanka”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo hadal ka jeedinayay kulankii Golaha Shacabka ee bishan November ay ku-meel-mariyeen Guddiga Golaha Adeega Garsoorka, ayaa Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal, ku dhaliilay in uu kala xigsanayo xildhibaannada, marka ay jiraan doodaha.

Xildhibaanka oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in nasiib-darro ay tahay kala xigsashada, waliba iyadoo Baarlamaanka uu ka doodayo arrimo ku saabsan cadaalada dalka.

“Waxaan ku leeyahay Baarlamaanka Guddoomiyihiisa maadaama aad tahay, in aad u cadaalad fashid Baarlamaanka marka uu doodaayo. Arday meel kuugu xareysan ma nihin, waxaan nahay xildhibaanno adiga kula mid ah, waxaan kuu dooranay kaalay na guddoomi, in aad na kala xigsatana waa caawa iyo nasiib-darradeeda, iyadoo maanta laga hadlayo cadaalada” ayuu yiri xildhibaanka.

Gudoomiye Mursal, wali kama uusan hadlin dhaliisha loo jeediyay.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

 

Warar kale oo la xiriira