Warar 

Axmed Madoobe oo ku celiyay in Jubbaland ay xaq u leedahay maamulka doorashooyinka ka dhacaya deeggaankeeda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kudbad u jeediyay Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland, xildhibaanno, wasiiro iyo hay’adaha Dowlada.

Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka waxaa uu ku celiyay in Jubaland ay ka go’antahay sidii doorashooyinka ay ugu dhici lahaayeen qaabkii lagu heshiiyay, iyadoo dalka ay astaan u tahay in afartii sanaba hal mar Doorashooyin la aado.

Waxaa uu xusay in ay Jubbaland xaq u leedahay inay maamusho doorashooyinka ka dhacaya deegaanka.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in isku tanaasulka iyo wadar ogolka ay asal u yihiin  doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca, si taasi loo gaarana ay muhiim tahay in heshiiyadii la galay la fuliyo, gaar ahaana in gudiga doorashooyinka Jubaland iyo Wasaarada Arimaha gudaha looga baahan yahay inay tagaan goobta labaad ee loo asteeyay doorashada Baarlamaanka Federaalka ah.

Madaxweynaha ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadalada xanafta leh ee ay adeegsanayaan Madaxda Dowlada kuwaas oo diinta ka saaraya dadka ka aragtida duwan sidii lagu yaqaanay Argagixisada, waxa uu a wax uuna xusay in aan loo dulqaadan karin.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

                                                

Warar kale oo la xiriira