Baarlamaanka 

Maanta oo ay ku beegneyd xiligii ay bilaaban laheyd doorashada xildhibaannada Aqalka Sare

Madaxda dowladda federaalka iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul-gobolleedyada, ayaa horraantii bishii October ee sannadkan 2020 isku raacay Jadwalka doorashooyinka Soomaaliya.

Heshiiska hoggaamiyayaasha ayaa dhigayay in doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay bilaabato 1-da bishan December, ayna socoto ilaa 10-ka bisha December ee sannadkan 2020.

Ilaa iyo hadda ma jiraan saan-saan ku aadan doorashada xildhibaannada, maxaa yeelay maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan wali soo gudbinin xubnahooda guddiga doorashooyinka, waxaana ay sheegeen in ay walaac ka muujinayaan guddiyada ilaa iyo hadda la soo magacaabay oo u badan dhinaca dowladda iyo heshiisyo ay la galeen dowladda oo la fulin waayay.

Guddiga Doorashada dadban ee heer Federaal ee uu muranka ka taagan yahay oo caawa war-saxaafadeed soo saaray, ayaa sheegay in ay meel fiican u mareyso shaqada guddiga, balse falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in guddiga uusan aheyn kaamid, oo ay ka maqanyihiin Puntland iyo Jubbaland.

Xildhibaannada Aqal Sare ayaa waxaa soo dooranaya Baarlamaannada maamul-gobolleedyada dalka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira