Baarlamaanka 

47 xildhibaan oo caddeeyay in Guddoomiyaha Aqalka Sare aanu ku matalin qoraalada uu ku duriyo dhismaha Guddiyada doorashada

Xildhibanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo tiradooda ay dhantahay 47 Mudane oo Mogadishu ku yeeshay kulan ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, aanu ku matalin Xildhibaannada labada Gole hadalada iyo qoraalada uu ka soo saarayo, kuna duriyo dhismaha Guddiyada doorashada.

Waxaa ay caddeeyeen in ay taageersanyihiin heshiiskii dowladda federaalka iyo maamulka gobolleedyada ay ka gaareen arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale waxay caddeeyeen in dhismaha Guddiyada doorashada loo maray hab waafaqsan heshiiskii siyaasadeed.

Halkan ka akhriso 

Warar kale oo la xiriira