Baarlamaanka 

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maanta akhrinta 2-aad marsiiyay xeer-hoosaad

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka KGS Dr Cali Saciid Faqi iyo labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir-guddoominayay Kalfadhigii 2-aad kulankiisa 1-aad, kaas oo ay soo xaarideen 55 Mudane.

Xildhibaannada ayaa loo akhriyay qodobadii lagu soo kordhiyey kaddib Akhriskii 1aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaannada ayaa maanta akhrinta 2-aad marsiiyay xeer-hoosaadka iyo kadoodidiisa.

Warar kale oo la xiriira