Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo xasaanadii Xildhibaannimo ka qaaday 8 mudane oo Baarlamaanka ka tirsan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abdirashid Yusuf Jibril iyo labadiisa ku-xigeen, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 47 ee Baarlamaanka, kaas oo maanta xanaasadii xildhibaannimo looga qaaday siddeed mudane oo Baarlamaanka kamid ah.

Xildhibaannada xasaanada lagala noqday ayaa si weyn u mucaaradsanaa Guddoomiyaha Baarlamaanka C/rashiid Yuusuf, waxaana maalin ka hor ay sheegeen in Guddoomiyaha ay xilka ka qaadi doonaan.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan ayaa golaha la wadaagay eed ka dhan ah 8-da xildhibaan, waxa uuna codsaday in xasaannada  laga xayuubiyo si dacwad loogu soo oogo, isagoo ku eedeeyey inay ku xad-gudbeen Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa cod gacan taag ah u qaaday in Xildhibaannada laga qaado xasaanadda, waxaana gacanta u taagay 35 Xildhibaan, 3 mudane ayaa diiday halka hal xildhibaana uu ka aamusay.

Xildhibaannada xasaanada lagala laabtay ayaa kala ah:-

1.Xildhibaan Cabdijamal Cismaan

2.Xildhibaan Cabdiqani surato

3.Xildhibaan Muuse Jajabsay

4.Xildhibaan Gen.Baduugaaye

5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

6.Xildhibaan Saleeban Faarax.

7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira