Warar 

Madaxweyne Axmed Mdoobe oo sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay ka qeyb-qaadato doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka Golaha Xukuumada Jubbaland, kaas oo looga hadlayay xaaladda siyaasadda Dalka, Amniga iyo Dowladaha Hoose oo dhawaan dhismahooda laga bilaabay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Mudane Madoobe, ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay qayb ka qaadato doorashooyinka, iyadoo ay mudnaanta leedahay in loo madax banaaneeyo Gudiga doorashada Jubbaland si waafaqsan heshiiskii ay madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ku saxiixeen Magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda ay geysay gobolka Gedo ayuu sheegay Madaxweynaha in dhibaato weyn ay ku hayaan, kuwaas oo gabi ahaanba xasiloonidii iyo nabadii ka jirtey deegaanka u badaley qalalaaso iyo boobka hantida shacabka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira