Baarlamaanka 

Siddeedii xildhibaan ee lagala noqday xasaanada oo ka hor yimid go’aankii Baaarlamaanka, eedeyna u jeeday Saciid Deni

Siddeed xildhibaan oo Baarlamaanka Puntland uu xanaanada ka qaaday todobaadkii lasoo dhaafay, ayaa shaaca ka qaaday inay weli ka tirsan yihiin Baarlamaanka Puntland, ayna tagi doonaan xarunta.

Xildhibaannada ayaa iska fogeeyay dhammaan eedihii loo jeediyay, kaddib markii xeer ilaaliyaha guud uu ku eedeeyay in ay ku xad-gudbeen dastuurka isla markaanna ay hor-joogsadaan kulan Baarlamaanka uu kula xisaabtami lahaa xukuumadda.

Xildhibaannadan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa sheegay in aysan aqbali doonin xil ka xayuubinta, kuna eedeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni inuu gadaal ka riixayay tallaabada xasaanadda loogala laabtay, si aan loola xisaabtamin.

Warar kale oo la xiriira