Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb-galay xaflada qalin-jabinta ardayda Jaamacadda Ummadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa maanta hadalo ka jeediyay munaasabada qalin jabinta dufcaddii labaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Mursal, ayaa ammaanay macalimiinta, waalidiinta iyo ardayda kaalinta ay ka qaadanayaan waxbarashada dalka. Waxaa uu sheegay in ay tahay guul dib u hanaqaadida Jaamacada Ummadda.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa xaqiiq ah in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay xusuus gaar ah ku leedahay taariikhda dalkeenna, iyada oo door weyn ka soo qaadatay la dagaallanka Jahliga iyo saboolnimada, oo aynu ka xusi karno ololihii horumarinta reer miyiga ee dalka oo dhan lagu gaarsiinayey barashada akhriska iyo qoraalka, sannadkii 1974-tii”.

“Waxaa xusid mudan in Jamaacadda Ummaddu ay soosaartay aqoonyahanno badan oo  hormuud iyo hoggaan ka noqday dalka iyo dunnida kale ba”, ayuu yiri Farmaajo.

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira