Baarlamaanka 

Wasiirka Qorsheynta oo maanta hor-tagay Baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa la-xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange. 

Wasiirka oo uu wehliyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Caydiid ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha u degsan, waxyaabaha u qab-soomay iyo weliba mashaariicda ka socota guud ahaan Gobollada Puntland.

Xildhibaannada ayaa gaba-gabada fadhiga su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira